Guddoonka Golaha Shacabka baarlamanka federaalka Soomaliya ayaa u yeeray wasiirka Dastuurka Xukuumadda federaalka Soomaliya C/raaxmaan Xoosh Jibriil kadib markii qaar kamid ah Xildhibaanda Baarlamanka Soomaliya ay dalbadeen.
Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ugu yeeray wasiir C/raxmaan Xoosh inuu Baarlamaanka hor yimaado maalinta Axada ee soo socota islamarkaana dalabka uu ka yimaaday xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Soomaliya.
Mid ka mid ah Xildhibaanadii qoray mooshinka lagu dalbanayo Wasiir Xoosh ayaa sheegay inay ka doonayaan Wasiirka inuu Baarlamaanka hor-yimaado, si ay wax uga weydiiyaan hadalo dhowaan ka soo yeeray wasiirka oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ee ku aadanaa in Xildhibaanada aysan xaq u laheyn in ay laalaan go’aan ay soo saartay Maxkamadda Sare ee dalka.
Dhinaca kale Guddoonka Golaha shacabka Baarlamanka Soomaliya ayaa u yeeray Wasiirka Garsoorka iyadoo loogu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu ku horkeeno sharciga dhismaha Guddiga Adeega Garsoorka.

