Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa sheegay in Al-shabaab ay lacago fara badan ka helaan ganacsatada iyo shacabka Soomaliyeed taasina la ogaaday kadib markii daba-gal lagu sameeyay.
Taliye Sanbaloolshe oo Wareysi siiyay laanta afka Soomaliga ee VOA ayaa ku sheegay in lacago baad ah ay urursadaan dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ee Soomaliya ka dagaalama, ayna helaan lacago dhan $150 Million sanad walba oo Ganacsatada Soomaliyeed ay ka aruuriyaan iyadoo si baad ah loogu qaadayo.
“Dagaalka Lagula Jiro ragga Al-shabaab muddo ayuu soo socday, habka lagula dagaalamo waxa uu ahaa hal waji intaas way ka baaxad weyn tahay tani, waxaa loo baahan in la balaariyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab, waxaa la doonayaa in la joojiyo lacagaha ay sida baada ah kaga qaadaan shacabka Soomaliyeed,Al-shabaab waxaa soo gala $150 Million, lacagahaas ay xoogga shacabka kaga qaadaan ma ahan kuwa ay ugu adeegayaan shacabka Soomaliyeed, dalka meelaha ay ka joogaan Al-shabaab lacag baad ay ka qaadaan,markaan la wareegnay Amniga muqdisho waxaan ku guuleysanay in aan hakino weerarada iyo dilalkii ay Al-shabaab ka geysan jireen Magaalada muqdisho, dowladda go’aanada ay soo saartay waxaa ka go’an in ay dhaqan galiso”, ayuu yiri Taliye Sanbaloolshe.
Sidoo kale Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaliya ay ka shaqeyn doonto sidii loo baari lahaa badeecadaha iyo goobaha laga shakiyo in ay wax ku keydsanadaan Al-shabaab.
Dowladda Soomaliya ayaa dhwaan soo saartay Amaro lagu farayo Ganacsatada Soomaliyeed in aysan taageero siinin dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab, islamarkaana cidii arintaas lagu helo Maxkamadda lala tiigsan doono.

