Wararka ka imaanaya Gobolka Sanaag ayaa ku waramaya in Ciidanka daraawiishta Puntland ee Gobolkaas ay gacanta ku dhigeen toban qof oo ka tirsan dagaalyahanada Xarakada Alshabaab, kuwaas oo lagasoo diray sida Puntland ay sheegatay magaalada Burco kuna wajahnaa buuraha Galgala.
Taliyaha ciidanka daraawiishta Puntland ee Gobolka Haylaan Fu’aad Xanaano ayaa sheegay dadkaan Shabaabka katirsan inay isugu jiraan rag iyo dumar, kuwaas oo ay habeen hore gacanta ku dhigeen iyagoo la socday gaari nooca Soomalida ay u taqaano Surf oo marayay tuulada Cowsane ee gobolka Sanaag.
Taliye Fu’aad Xanaano ayaa sheegay inay dhowr jeer tuulada Cowsane mareen rag Shabaab ah oo ka yimid dhinaca Soomaali-land, kuwaas oo buurta ugudbay, wuxuuna Taliyaha sheegay in dadka maanta la qabtay ay puntland kusoo bandhigi doonto magaalada Garoowe ee caasimadda maamulkaas.
Dhawaan Ciidamada Puntland ayaa gacanta ku dhigay dad kala duwan oo ajaanib ay ku jirtaan oo lagu eedeeyay in ay doonayeen ku biirista dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ee buuraha Gal-gala.

