Ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda Maamulka Jubbland ayaa si qarsoodi ah xabsiga ugala baxay maxaabiis ku xirneyd xabsiga dhexe ee degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo kadibna ay ku toogteen duleedka degmadaasi.
Maxaabiista la sheegay inay toogteen ciidanka Nabad-sugidda Maamulka Jubnbland ee Baladxaawo ayaa tiradoodu gaareysaa 4-ruux oo rag ah oo ku xirnaa xabsiga degmada kadib markii ciidanku ay kusoo qabteen howlgal,waxaana afarta ruux mid ka mid ah oo wiil dhallinyara ah la sheegay in shalay magaalada lagasoo qabtay xalayna la toogtay halkaa sadaxda kalena horay xabsiga ay ugu jireen ay ku eedeysnaayeen in ay ka dambeeyeen Bomb gacmeed lagu weeraray nin nabadoon ah oo ku sugnaa degmada.
Wararka aan helnay ee arintan ku saabsan ayaa sidoo kale xaqiijinaya dilku uu dhacay xalay saqdii dhexe rasaasta lagu dilayna dadka degmada ku nool ay ku kaceen,wabarigii saakana ay ehelada maxaabiista la dilay Meydka ay kasoo qaadeen halkii lagu dilay.
Mid Ka mid ah dadka deegaanka oo diiday inaan magaciisa adeegsanno sababo amaan ayaa uga waramay Radio Simba sida ay wax u dhaceen iyo dhacdada kadib sida uu noqday jawiga degmada Baladxaawo.
Illaa hadda lama oga sababta ka dambeysa dilka afarta maxaabiista ah ay ugu geysteen degmada Baladxawo ciidamada ka tirsan nabad-sugidda Jubbaland,balse dhawr mar ayey horay u dhacday sidaan oo kale in ciidanka Jubbaland ay horay si qarsoodi ah ay ugu dilaan deegaanada maamulkaasi maxaabiis aan wali la xukumin oo xabsiyada ku jira,arintan xalay dhacday ayaana maanta xiisad ka abuurtay degmada falku uu ka dhacay ee Baladxaawo.

