Soomaliya oo Hal Milyan iyo Boqol Neef oo Ari ah u Dhoofinaysa Sacuudiga+Dhageyso

0

Sheekh Nuur Wasiirka Wasaaradda  Xanaanada xoolaha ee dowladda federaalka Soomaaliya oo maanta wariyayaasha kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku dadaaleyso daryeelka iyo hubinta caafimaadka xoolaha laga dhoofiyo Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in ka hor inta aan la aadin Xajka wasaaraddu ay qorsheysay hal milyan iyo  boqol neef oo ari ah in loo dhoofiyo dalka Sacuudiga, taasina ay qeyb ka tahay dadaalada ay sameysay wasaaradda.

Sidoo kale Wasiirka Xanaanada xoolaha ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in boqortooyada Sacuudiga kala hadli doonaan sidii xoolaha Soomaaliya xayiraadda looga qaadi lahaa, maadaama suuqa xoolaha nool ee dalka loo iib geeyo Sacuudiga ugu weyn yahay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here