Kulanka Maanta ee Xildhibaanada BaarlamAanka Soomaliya ayaa looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid tahay:-
1:Qaraar ku saabsan Suggida Xilhaynta Xubnaha Golaha Shacabka 2016-2022 iyo Buuxinta Kuraasta Bannaanaata.
2:Akhrinta 1-aad Hindise Sharciyeedka Isgaarsiinta Qaranka.
3:Qeybinta Hindise Sharciyeedka La-dagaalanka Musuq-maasuqa.
Ugu horeyntii xildhibaanada ayaa u codeeyay qaraarka Suggida Xilhaynta Golaha Shacabka, intaa ka dib waxaa la guda-galay Akhrinta Sharciga Isgaarsiinta Qaranka, Wasiirka wasaarada Isgaarsiinta iyo Boostada ayaa Akhriyay Hindise sharciyeedka iyadoo dhawaan la filayo in la guda-galo Dood ku Aadan Sharcigan.
Intaas kadib Guddoonka Baarlamaanka Somalia ayaa waxaa lagu sugay xeerka u degsanaandoona baarlamaanka ee ku saleysan Suggida xil-heynta Xildhibaanada Baarlamaanka 2016 iyo 2020 iyo Buuxinta Kuraasta ka banaanaataGolaha.
Guddoonka oo xeerka la wadaagay warbaahinta ayaa soo bandhigay qodobada Xildhibaanada baarlamaanka ay ku weyn doonaan keliyaxilkooda.
Qodobada ayaa waxaa kamid ah:
1-Xildhibaanka oo geeriyooda.
2-Xildhibaanka oo ay la soo gudboonaato Xaalad xil gudasho la’aan oo joogto ah.
3-Xildhibaanka oo qabta xil dowladeed oo aan ka ahayn kuwa golaha Wasiirada.
4-Xildhibaanka oo istiqaalo u gudbiya golaha uu ka tirsan yahay lagana aqbalo.
5-Ka maqnaasho labo Kalfadhi oo Caadi ah sidoo kalena ah joogto sabab la’aan

