Xil ka qaadistii maanta lagu sameeyay xoghayihii jiiigtada ee wasaaradda arrimaha gudaha ayaa xiisad ka dhalatay iyadoo warqad jawaab oo ka soo kala baxday Wasiiru dowlaha iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay kaga soo hor-jeesteen xil ka qaadistaas, kuna tilmaameen sharci darro.
Warqada ka soo baxday Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha C/llaahi Faarax Wehliye oo nuqul ka mid ah ay heshay warbaahinta ayaa lagu tilmaamay inay sharci darro tahay shaqo joojinta iyo magacaabista Xoghayaha Joogtada KMG ee Wasaaradda.
Sidoo kale Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in magacaabista iyo xil ka qaadista Xoghaye Joogto ay u baahan tahay in la marsiiyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, kadibna laga ansixiyo Golaha Wasiirada, laguna soo saaro digreeto Madaxweyne.



