Mid Kamid ahaa Ergadii Hir-shabeelle oo La Toogtay+Dhageyso

0

Maamulka Degmada Waabari  ee Gobolka Banaadir ayaa ka warbixiyay dil Saakay loogu geystay Gudaha Degmadaas  Nin lagu Magacaabi jiray Axmadeey Garfiiq oo ka mid ahaa Sarriflayaasha Suuqa Beerta ee degmadaas.

Cabdiwahaab Maxamed Maxamuud oo ah Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka degmada Waaberi oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegy in marxuumka la dilay lagu magacaabi jirey Axmadeey Garfiiq,islamarkaana uu ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada ku soo dooratay Maamulka Hirshabelle.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka degmada Waaberi  waxa uu tilmaamay in ragga hubeysan ay goobtiisa shaqada ay ugu tageen Marxuumka islamarkaana ay halkaas ku dileen kadibna ay baxsadeen, balse ay laamaha amniga ay ku raad joogaan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here