Sarkaal Ka Mas’uul Ahaa Toogasho Ka Dhacday Baydhabo oo Xabsiga La Dhigay

0

Ciidamada Ethopia ee ku sugan magaalada baydhabo ayaa xabsiga dhigay Sargaal ka tirsan ciidamada maamulka Koonfur Galbeed, kaa oo lagu eedeeyay inuu ka danbeeyay toogashadii Jimcihii aynu soo dhaafnay ka dhacday Magaalada Baydhabo.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen hoyga Sarkaalka uu ka daganaa magaalada Baydhabo.

Sargaalkani oo lagu magacaabo Cabdulle Isaaq ayaa dadka la toogtay u adeegsaday ciidamo isaga ka amarqaata kuwaa oo toogasho ku dilay ruux oo rayid u badan iyo dhaawaca tiro ka badan 10 kale oo shacab ahaa.

Cabdulle Isaaq oo ka Tirsan Ciidamada Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa la sheegay in uu bixiyay amarka ay Ciidamadiisa ay ku lahaayeen dadka Shacabka ahaa ee ku sugnaa Xiro barakac oo ku taala duleedka Magaalada Baydhabo, islamarkaana uu doonayay in ay dhacaan raashinka xiligaas yaalay kaamka.

Amar lagu soo xirey Sargaalkani oo lagu magacaabo Cabdulle Isaaq waxaa bixiyay madaxweynaha Dowladd Goboleedka  Koonfur Galbeed Soomaliya Mudane Shariif Xasan Shiikh aadan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here