Muqdisho waxa ay u tahay Xili galab gaab ah oo ay Qoraxdu sii galbaneyso kaliya calaamad uma ahan in afurka soo dhawyahay, ee waxay kaloo muujineysaa xiriir bilaw ah oo ay yeelanaayaan ciidamada mareykanka ee Qeybta ka ah taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaan AFRICOM,iyo Ciidamada xoogga Soomaaliya oo way wada afurayaan kadib markii ay si wada jir ah u dukadaan salaada Maqrib.
Waxa wada afuraayo oo wada tukanaayo salaada maqrib waa Ciidamada mareykanka ah kuwooda muslimiinta ah iyo ciidamada xooga ee ku sugan garoonka Diyaarahada Aadan Cadde ee Muqdisho, waxaana salaada dujinaayo Taliye Abuhena Saifulislam oo ka tirsan ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya balse asal ahaan ka soo jeeda dalka Bangaladesh.
Taliye ku xigeenka guud ee ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ka howlagala Janaraal Miguel Castellanos ayaa soo qaban qaabiyay munaasabada afurka ee lagu qabtay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
Waa markii ugu horeesay oo ay wada afuraan salaadna isla dukadaan ciidamada muslimiinta ah ee mareykanka iyo ciidamada xooga dalka.




