War Deg Deg:-Dagaal Ka Socda Deegaanka Janaale

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaliya, kuwa AMISOM iyo Xarakada Al-shabaab in uu haatan ka socdo degaanka Janaale.

Dagaalka ayaa waxaa deegaanka ku qaaday Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Soomaliya iyo kuwa AMISOM, waxaana mudooyinkii ugu dambeeyay deegaanka ka talinayay dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.

Gudoomiyaha deegaanka Janaale  ee Dowladda Soomaliya ayaa idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho Goordhaweyd  u sheegay in Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Soomaliya iyo kuwa AMISOM in Al-shabaab ay kala wareegeen deeganada  Farsooley,Baladu-aamiin,Mubaarak Bariire iyo kuwo kale, dagaalkana uu wali socda.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here