Ciidamada Xasilinta Amniga magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya ayaa Saakay howlgal waxa ay ka sameeyeen Xaafaddo kamid ah Degmada Waabari ee Gobolka banaadir.
Howlgalkaan oo ahaa mid gaar ah ayaa Ciidamada waxa ay kusoo qabteen labo askari oo aan sharciyeysneen iyo hub ay siteen kuwaasi oo ilaalo u ahaa Gudoomiyaha deegaanka Lafoole ee duleedka Magaalada Ayaan oo deegaan ahaan degan Degmada Waabari.
“Ciidamada Xasilinta amniga Magaalada Muqdisho ayaa howlgal waxa ay ka sameeyeen guri ku yaala degmada Waabari waxa ay kusoo qabteen 2-qori oo AK47 ah iyo labo bastoolad, axaa watay Labo askari oo ilaalo u ahaa Gudoomiyaha deegaanka Lafoole Ayaan, Ciidamada iyo hubka gacanta ayaa lagu hayaa”, ayuu yiri mid kamid ah deegaanka oo goordhaweyd la hadlay idaacada Simba.
Ciidamada Xasilinta Amniga Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaliya ayaa dhowrkii maalin aynu soo dhaafnay kordhiyay howlaha amaanka lagu xaqiijinayo.

