Sacuudiga oo Diiday In uu Soomaliya Siiso Taageero Dhaqaale

0

Dowladda Sacuudi Arabia ayaa diiday in ay dhaqaalo siiso wadanka Soomaliya, iyadoo sharuuf ugu dhigto dhaqaalo siinta in xiriirka loo jaro Dowladda Qatar.

ilo lagu kalsoonan karo ayaa xaqiijiyay in Dowladda Sacuudi Arabia ay diiday in ay bixiso dhaqaalo loogu Talagalay Dowladda Federaalka Soomaliya oo horey ay u balan-qaaday, sababta ka dambeysa ayaa lagu sheegay arintaas in sacuudiga uu doonayo in Soomaliya ay xiririka u jarto Dowladda Qatar  oo haatan wajahaysa cadaadis kaga imaanaya qaar kamid ah wadamada Carabta.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in Wafdi ka socday Dowladda Federaalka Somaliya  oo heer wasiiro ahaa oo dhawaan gaaray magaalada Riyad ee dalkaas islamarkaana halkaas ugu tagay in ay heshiisyo lasoo galeen dhigooda dalalkaas in la hakiyay saxiixyadda heshiisyadda sababo la xiririro in Dowladda Federaalka soomaliya ay diiday in ay xiriirka u jarto Dowladda Qatar.

Dowladda Soomaliya ayaa dhawaan sheegtay in ay aad kaga xuntay khilaafka ka dhex jira wadamada Carabta islamarkaana ay ka shaqeyn doonto sidii loo heshiisiin lahaa wadamada is qilaafsan.

Dowladda Sacuudiga  ayaa ku cadaadinaysa Dowladda Soomaliya in ay xiriirka u jarto Dowladda Qatar sidii horey u dhaday sanadkii 2016-kii oo xiligaas Soomaliya ay xiriirka u jartay Dowladda Iiraan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here