Islow:-“Bilaha Soo Socda Muqdisho Amni Ayaa Laga Dareemi Doonaa”,+Dhageyso

0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Maxamed Abuukar Ducaale(islow) ayaa sheegay in Bilaha  soo socota Magaaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya Amnigeeda wax weyn ay iska badeli doonaan.

islow ayaa sheegay in Ciidamada Xasilinta Amniga magaalada Muqdisho ee iskugu jira Boolis iyo nabad Sugida ay ku guuleysteen howlo badan islamarkaana ay rajeynayaan Bilaha  soo socota Magaaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya Amnigeeda wax weyn uu iska badalo sida ugu dhaqsiyaha badan.

“Waxaan Nafteena u hureynaa oo habeen iyo maalin aan usoo jeednaa in wadankaan lagu soo celiyo amnigi iyo xasiloonidii loogu bartay, Go’aanka xasilinta Caasiamdda Muqdisho waxaa soo saaray Golaha wasiirada Xukuumadda Soomaliya, waana in uu fulaa,  Muqdisho waa in laga dhigaa sida Magalooyinka Hargeysa iyo kuwa kale oo aan hubka lagu dhex wadanin”, ayuu yiri Wasiirka Amniga Gudaha Soomaliya.

Sidoo kale Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Maxamed Abuukar Ducaale(islow) ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaliyeed ee hubka haysta in goobahooda ganacsiga ay ku heystaan islamarkaana aan lagu arkin banaanka, cidii lagu arkana sida sharciga ah lagala wareegi doono.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here