Jubba-land oo Gacanta Ku Dhigtay Al-shabaab Dhaawac ah

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubada Hoose ayaa ku waramaya in Ciidamada amaanka Maamulka Jubba-land kuwa Kenya iyo Ciidamada Al-shabaab In ay ku dagaalameen deegaanka Goob-weyn oo u dhow Magaalada kismaayo.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Jubba-land ayaa warbaahinta u sheegay in dagalyahano ka tirsan Xarakada Al-shabaab ay weerar  kusoo qaadeeen Saldhig Ciidamada Dowladda Kenya iyo Kuwa Jubba-land ay ku lahaayeen deegaanka Goobweyn islamarkaana Shabaab loogu guuleystay dagaalkaas.

Waxa ay sidoo kale sheegeen Saraakiisha ka Tirsan Jubba-land in dagaalkaas Al-shabaab loogu qabtay wiil 15-sano jir ah oo dhaawac ah islamarkaana u dagalamayay dhankooda waxayna sheegeen in haatan xaaladiisa Caafimaad lagu dabiibayo isbitaalka Magaalada kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubba-land.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here