Maamulka Puntland ayaa faah-faahin ka bixiyay dagaal Ciidamada Puntland iyo dagaalyahano ka tirsan Daacish ku dhexmaray Deegaanka Afurur ee Gobalka Bari oo Saldhig Malatari ay ku leeyihin Ciidamada Maamulkaas.
Wasiirka amniga dowladda Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), oo goor dhowayd shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulkaas ayaa si weyn u baneeniyay wararka sheegaya in Alshabaab laayeen ciidamo badan oo katirsanaa Puntland oo ka howgalayay saldhiga deegaanka Afurur.
Sidoo kale Wasiirka Amniga ee Maamulka Puntland ayaa sheegay dadka ay laayeen Alshabab inay badankood yihiin,Odayaal, haween iyo Carruur tuulada ku noolaa, Waxaa uu sheegay khasaaraha soo gaarayciidanka inuu yar yahay, halka dhinaca kale uu sheegay inay argigixisada ka dileen tiro badan.

