Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda Puntland oo Iscasilay

0

Wasiiru dowlihii wasaaradda xanaanada xoolaha maamulka Puntland Cabdiweli Seed Cilmi oo shir Jaraaid ku qabtay magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa sheegay in uu iska  casilay xilkiisii.

Cabdiweli Seed Cilmi ayaa sheegay in uu cadaadis kala kulmay beeshiisa islamarkaana uu go’aansaday inuu xilkaas isaga dago madaama aysan ku qanacsadeen beeshiisa, si u aqbalo dalab beeshiisa ka yimid oo ahaa inuuiscasilo.

Mr Seed ayaa horey ahaa wasiir ku xigeenkii xanaanada xoolaha Puntland, balse wareegtodhowaan kasoo baxday madaxweyne Gaas ayaa xilkaas loogu magacaabay masuul kale,waxaana isaga loo badelay wasiir udowle.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here