Jubba-land oo Qaadaysa Dagaal Ka Dhan Al-shabaab+Dhageyso

0

Wasaaradda Amniga ee Maamulka jubba-land ayaa ku dhawaaqay in dhawaan la qaadi doono howlgalka dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab loogu saaryo deeganada ay kaga sugan yihiin Gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaliya.

Wasiirka Amniga ee Maamulka jubba-land Abrashiid Janan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ee Maamulkaas ayaa sheegay in la diyaariyay Ciidamadii xureyn lahaa deegaanada a ku sugan yihiin Al-shabaab  ee Gobolka Gedo, islamarkaana loo dhameystirey qalabkii ay u baahnaayeen.

“Dhamaan Ciidamada Maamulka Jubba-land, iyo kuwa AMISOM waxaan ugu baaqayaa in ay u diyaar garoobaan dagaal Al-shabaab loogu saarayo Gobolka Gedo,runtii dagaalka aan la galeyno Al-shabaab iyadoo ay bil ramadaan ay tahay waxaan filayaa in uu yahay mid xaq”, ayuu yiri Abrashiid Janan.

Al-shaabab ayaa ku sugan deegaano badan oo ka Tirsan ee Gobolka gedo ee Koonfurta dalka Soomaliya, iskastoo magaalada madax laga saaray sanado ka hor.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here