Dowlda turkiga ayaa u soo dirtay dalka soomaaliya markab sida 24 Ton oo ah daawooyin caafimaad ah oo loogu talagalay in lagu dabiibo dadka uu saameeyay cudurka daacuunka sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Wasaaradaha Caaafimaadka ee dalka turkiga.
Markabkan sida daawooyinka caafimaad ayaa ka soo shareecday dekadda Mersin waxaana la filayaa in magaalada Mogadishu uu ku soogaaro 15 maalin gudahood.
Wasiirka caafimaadka dalka Turkiga Recep Akdag oo kula kulmay magaalada Genava ee dalka Swizerland saraakiil katirsan wasaarada caafimaadka ayaa u balan qaaday in soomaaliya ay ka bilaabi doonaan olole qaas ah oo loogu talagalay in lagu dabiibo dadka uu soo ritay cudurka daacuunka.
Waxaa wasiirka caafimaad Dowladda dalka turkiga uu sheegay in deeqdaasi ay kamid tahay qalab caafimaad sida shaybaar lagu ogaanayo cudurada faafaya iyo qalab lagu dabiibayo.
