Kheyre:-“Waa Iney Helaan Ganacsatada Soomaaliyeed Qadarin Gooniya”,

0

Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Maamulka Dekadda magaalada Muqdisho ugu baaqay in ay si wanaagsan ula dhaqmaan Ganacsatada Soomaliyeed ee alaabaha kala soo daga Dekadda Magaalada Muqdisho.

Xasan Cali Kheyre ayaa kala sheekeestey Ganacsatada alaabta kala soo dageysey dekadda, isagoona ka wareystey sida loola dhaqmo marka ay usoo degayaan badeecooyinka. Waxuu maamulka dekadda ugu baaqey iney ilaaliyaa xariirka Ganacsatada, loona fududeeyo sidii ay ganacsigooda hab nidaam ah u mari lahaa.

“Waa iney helaan Ganacsatada Soomaaliyeed qadarin gooniya si loo dareensiiyo iney dalkan iyagu leeyihiin, taasina waxaa keeni karta iyadoo loo fududeeyo Ganacsigooda”ayuu yiri R/W Xasan Cali Kheyre.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here