War Deg Deg:-Dil Goordhaweyd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Wararka naga soo gaaraya Xaafadda Sanca ee Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in kooxo hubeysan ay halkaas ku dileen Nin Timo Jare ahaa oo si weyn loogu yaqaanay Xaafadaas.

Kooxda hubeysan ayaa la sheegay in ninka Timo Jaraha ahaa ay goobtii ku weerareen islamarkaana ay baananka usoo bixiyeen kadibna ay dileen sida goob-joogayaal ay u sheegeen  idaacadda Simba.

Ciidama Amaanka Dowladda Soomaliya ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay.

Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ninka la dilay iyo kooxda hubeysneed in uu ka dhaxeeyay qilaaf xoogan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here