Warbaahinta oo Fursad Loo Siin doono Ogaanshaha Xogaha Xafiisyada Dowladda

0

Agaasimaha Warfaafinta madaxtooyadda Soomaliya Abdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in dowladda Soomaliya ay dhidibada u adkeyn doonto xorriyadda hadalka, islamarkaana warbaahinta xorta ah siin doonto  fursado ay shacabka Soomaaliyeed ugu tabiyaan xogaha yaalla xafiisyada dowladda.

“Dowladda waxay dhidibada u adkeyn doontaa xorriyadda hadalka, waxayna warbaahinta xorta ah siin doontaa fursado ay shacabka Soomaaliyeed ugu tabiyaan xogaha yaalla xafiisyada,Warbaahinta madaxa bannaan dhankeeda waxaa laga rabaa in ay daacad u ahaadaan dadweynaha oo ay si quman uga haqabtiraan warar iyo warbixinno isu dheelli tiran oo dhab ka hadal ah, Isla xisaabtanka iyo daahfurnaanta waa furaha dowlad wanaagga aan dooneyno in dowladdan ay dhaqangeliso muddada ay xafiiska joogto ”, ayuu yiri Abdinuur Maxamed.

Warbaahinta Soomalida ayaa inta badan dowladda Federaalka Soomaliya ku dhaliisha in aysan ka ogaanin xogaha yaalla xafiisyada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here