Taliska Midowga Afrika AMISOM ee Soomaliya ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM, kuwa Xoogga dalka Soomaliyeed iyo Al-shaabab in ay ku dagalameen deegaanka Abdalla Biroleh ee woqooyiga ka xiga Magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubba-land.
AMISOM waxa ay sheegtay in dagaalkaas uu bilowday kadib Markii Ciidamada Xarakada Al-shabaab ay weerar gaadmo ahaa ay ku qaadeen kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya iyo Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed ee shidaal kasoo qaadanayay islaamrkaana ay iska caabiyeen.
“14-dagaalyahan oo ka Tirsanaa Xarakada Al-shabaab ayaa lagu dilay dagaal ka dhacay deegaanka deegaanka Abdalla Biroleh, Ciidamadeena oo Shidaal ka doontay Magaalada Kismaayo ayaa jidka loo galay qasaaro ayaa la gaarsiiyay Ciidamada Xarakada Al-shabaab, AMISOM waxa ay ka shaqeyn doontaa xasilinta dalka”, ayaa lagu yiri war kasoo baxay AMISOM.
Wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Xarakada Al-shabaab oo loogu hadlaayo sheegashada taliska AMISOM ee Soomaliya.

