Dowlada dalka Brundi ayaa u soo dirtay dalka soomaaliya cutub dagaal oo cusub kuwaa oo ka tirsan Ciidanka Difaaca Qaranka ee Burundi kana mid noqonaya Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Imaanshiyaha ciidamadan ayaa lagu badalay kuwo kale oo howgalkooda dhameystiray kuwaa oo ka tirsanaa ciidamada guutada 43aad ee howlgalka AMISOM , oo uu hogaaminayo Gaashaanle Chartier Nyandwi, isla markaana badalay guutada 37-aad oo dhameystay waajibaadka nabad-ilaalineed ee soomaaliya ay u joogeen.
Guutadan ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee magaalada Muqdisho ee aadan cadde waxaana ku soo dhaweeyay taliyaha qaybta 5-aad ee AMISOM Sarreeye Guuto Venuste Nduwayo iyo taliyaha guutada xilkeedu dhamaaday Gaashaanle Adolphe Kaguruka.
Hogaamiyaha taliyaha ciidamada ka socda dalka Burundi ee soo gaaray soomaaliya ayaa sheegay in dalka soomaaliya ay u imaadeen howlgalka AMISOM iyo si loo caawiyo dalka soomaaliya sidii nabad loo heli lahaa waxaana uu intaa ku daray General-ka in ay tababaro siin doonaan ciidamada dowlada soomaaliya isagoo xusay in ay ku guuleysan doonaan howlgalka xasilinta amaanka ee dalka soomaaliya.
Taliyaha guutada shaaneed ee ciidamada midowga Africa ee AMISOM ayaa intaa ku daray in cutubyadan dagaal ee cusub laga howlgalin doono deegaanada maamul goboledka Hirshabelle si loo furo wadooyinka go’doosan ee isku xera Mogadisho iyo Jowhar, waxaana uu ku booriyay cutubyadan cusub ee ka socda dalka Uganda in si dhaw ay ula shaqeeyeen hay’adaha amaanka ee dowlada iyo shacabka soomaaliyeed.




