Sida ay inoo xaqiijiyeen dad ku sugnaa Garoonka kubada Cagta Banaadir Stadium ee Degmada C/casiis Waxaa goordhaweyd Isbitaalka Ummah la geeyay tobaneeyo Haween oo , kuwaasoo ku neef qabatoomay kuleelkii iyo qoraxdii ka jirtay Garoonka intii uu socday banaan bax lagu taageerayay boqolkii maalmood ee Madaxweyne Farmaajo.
Dadka ku neef qabatoomay ayaa la sheegay in ay u badnaayeen haween uur leh, waxay haweenka ka kala tirsanaayeen degmooyinka Wadajir, Yaaqshiid iyo Warta Nabadda, waxaa jira haween kale oo iyana naqaska ku xirmay oo la geeyay Isbitaalo kale, lama soo sheegin wax dhimasho ah.
Boqolaal dadweyne ah oo kala yimid degmooyinka Gobolka banaadir ayaa maanta kaga qeyb galay Garoonka banaadir Stadium soo dhaweynta waxqabadkii 100-kii maalin aynu soo dhaafnay ee Madaxweyne farmaajo.




