Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Axmed Cilmi Cismaan ( Axmed Karaash) oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garowe ee caasimadda Mamulkaas ayaa sheegay in puntland ay kalsoonida buuxdo ay ku qabto dowladda uu Hogaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).
Axmed Karaash Wasiirka arrimaha gudaha Puntland ayaa tilmaamay inay aad u saluug sanayd Puntland dowladdihii federalka ee ka horeeyay midaan, kuwaas oo uu ku dhaliilay inaanay Puntland ka helin xaqii ay ku lahayd,islamarkaana mida haatan jirta ay ka rajeynayaan in ay helaan waxyaabo badan.
“Dowladdihii hore ee federalka ee aanu wax kadhisnay waxay nagu noqdeen sacii cirka ka soodhacay ee dhurwaaga nagu noqday, laakiin dowladdani uu Hogaminayo madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo kama filayno inay sidaas oo kalenagu noqoto,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Axmed Karaash.
Puntland ayaa marar badan dhaliil u jeediyay dowladii uu hogaaminayay Madaxweyne Xasan Shiikh maxamuud, ee waqtigeeda uu dhamaaday, balse dowladii xiligaas kuma aysan guuleysanin xalinta tabashooyinka Puntland.

