Farmaajo:-“Amisom Dalka Waa Laga Saarayaa Balse Hal Shuruud”,+Dhageyso

0

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo maanta ka qeyb galay Banaan-bax lagu soo dhaweynayay waxqabadkiisa 100-kii maalin aynu soo dhaafnay tan iyo markii la doortay oo ka dhacay Garoonka Kubada Cagta Banaadir Stadium  ee Degmada C/casiis ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM dalka laga saarayo balse hal sharuud loo baahan yahay in la fuliyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM dalka laga  saari doono hadii dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ay nabada qaataan oo ay joojiyaan waxa uu ku tilmaamay dhibaateenta dadka iyo dalka.

“Dowladda aamin ah waad haysataa, dowladda caalamka la xisaabtan waad haysataan, Ciidankaan AMISOM ee nala joogo ee na difaacaya dalka, hadaad dhibka joojisaan dalkooda ayaan u direynaa,dhibka joojiya hantidiina ha burburina, kuwa ajnabiga ee dalka dibadiisa noogu yimaada ee doonaya in dalkaan a burburiyaan waan iska celinaynaa dalka waan iska celinaynaa waana la daagalamaymaa”, ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Soomaliya ayaa dhowr jeer oo hore baaq nabadeed u direy dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab, waxayna dhankooda ku adkeynayaan  in dalka ay ka saari doonaa Ciidamada AMISOM iyo dowladda Cusub uu hogaamiyo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here