Howlgalka Midowga Africa Soomaaliya ee looyaqaano AMISOM ayaa ka gudoomay dowlada shiinaha hub iyo qalabyo dagaal oo loogu talagalay ciidamada qaranka soomaaliyeed si ay u dardar geliyaan dagaalka lagula jiro Xarakada al shababa.
Hubkan lagu wareejiyay howlagalka AMISOM ayaa dowlada shiinaha ay ku sheegtay in uu kor u qaadayo dagaalka sida wadajirka ah ay kaga soo horjeedaan ciidamada qaranka soomaaliyeed iyo kuwa midowga Africa ee AMISOM kaa oo ka dhan ah Xarakada Al shabaab gaar ahaan olalaha dagaal ee ka soconaya koofurta Soomaaliya.
Saanadana dagaal ee lagu talagalay ciidamada dowlada federalka soomaaliya ayaa waxaa kamid ah mashiino awood u leh in 600 oo askar ay cunno ku karsadaan,shabaqyada loogu talagalay ka hortagista kaniicada,teendhooyin ay hooy ka dhigtaan iyo qalabyo kale oo kala duwan.
Madaxa howlgalka AMISOM Ambassador Niclos Madeira ayaa sheegay deeqdan ka timid dowlada shiinaha ay wadada u xaareyso howlgalkooda iyo xaaladaha ciidamada dowlada federalka soomaaliya ay ku howlgalaan.
Taliyaha ciidamda xooga dalka soomaaliyeed Jen. Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid ayaa dhankiisa tilmaamay in qalabkan uu ka saacidayo xaaladaha nololeed ay ku suganyihiin ciidamada soomaaliya inta ay howlgalka ku guda jiraan waxaana uu xusay in taageerada nuucaan oo kale ah ay u baahan-yihiin ciidamada dowlada federalka soomaaliya.

