Wasiirka Warfaafinta iyo hanuuninta dadweynaha Xukuumadda Soomaliyta Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) ayaa bartiisa arrimaha Bulshada ku xaqiijiyay in Bishaar Muumin Faarax oo ahaa taliyaha al-Shabaab ee gobolka Mudug In uu isku dhiibay Ciidamada Dowladda Soomaliya ee Gobolka hiiraan.
Bishaar Muumin uu ahaa taliyaha al-Shabaab ee deegaanka Xarardheere halka warar kale sheegayaan in uu ka hawlgali jirey isla gobolka Hiiraan ee bartamaha Dhulka Soomaliya, sidaasna uu halkaas isaga dhiibay.
Dhanka kale Taliyaha Guutada 52-aad ee ciidamada Somalia Jeneraal Maxamed Axmed Tereedisho ayaa idaacadda VOA u xaqiijiyey isa soo dhiibista, waxaana uu sheegay in sarkaalkan uu watay laba qori oo AK 47 iyo rasaas badan.
Jeneral Tereedishe Taliyaha Guutada 52-aad ee ciidamada Somalia ayaa sidoo kale sheegay in sarkaalka gacantooda soo galay uu Hiiraan u joogay in uu howlgalo dagaal uu ka fuliyo inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadan, waxaana uu intaa raaciyay in ay dhabar jab weyn ku tahay kooxda Al-Shabaab isa soo dhiibida Bishaar Faarax Muumin.

