Guddi khubaro ah oo afar xubnood ka kooban ayaa loo saaray qiimeynta xaalada maxaabiista ee Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho.
War saxaafadeed shalay ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa waxaa wal wal looga muujiyay xaalada ka jirta Xabsiga dhexe.
Magacyada Guddigan waxay kala yihiin sidan:-
1- Dr C/qaadir Maxamed Muuse (Xeer Ilaaliyahii hore ee Qaranka
2- Mukhtaar Nuur (Garsoore ka tirsan maxkamadda racfaanka
3- Dr Tahliil Xaaji Axmed (Qareen)
4- Maryan Nuur Maxamed (Kaaliyaha xafiiska La taliyaha sharciga ee madaxweynaha)

