Taliska AMISOM ee Soomaliya ayaa sheegay in roob-ka da’ay iyo abaarta dalka jirta ay saameen ku yeesheen howlgaladii dalka loogu saarayay Xarakada Al-shabaab.
Jen. Cusmaan Nuur Subagle Taliyaha Guud ee AMISOM oo shalay gaaray magaalada Baydhabo islamarkaana kulamo la qaatay Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaliya, kuwa AMISOM iyo Maamulka koonfur Galbed Soomaliya ayaa sheegay in roobka ka da’ay qaar kamid ah Gobolada dalka Soomaliyeed uu hakad galiyay dagaalka Al-shabaab.
“Waxaan Ka shaqeyn doonaa inta lagu guda jiro bisha ramadaam sidii Cadowga umadda Soomaliyeed loogu dul qaadi, sidoo kale waxaan ka shaqeyn doonaa sidii loo furi lahaa wadooyinka xiran ee Al-shabaab ay go’doomiyeen si hay’adaha samafalka ay u gaaraan deeganada abaarta ay ka jirto,kadibna waxaa bilaaban doono howgalada guud ee dalka loogu saarayo Al-shabaab.

