Bankiga Aduunka oo Soomaliya Ugu Deeqay $50 Million

0

Agaasimaha Bankiga aduunka ayaa sheegay in soomaaliya bankiga aduunka uu ugu deeqay $50 Million oo loogu talagalay in wax loogu qabto xaaladaha abaaraha ee dalka ka jira iyagoo tilmaamay in lacagahan wax loogu qabanayo xaaladaha bini’aadanimo ee heesta kala bar bulshada soomaaliyeed si dib loogu soo kabsado daruufaha xoogan ee laga dhaxlay abaaraha.

Dad lagu qiyaasay 6.7 Million oo qof ayaa la sheegay in ay u baahanyihiin in wax laga qabto xaaladaha bini’aadanimo ee soo wajahday waxaana Bankiga aduunka uu sheegay in taageero dheeraad ah uu siinayo Hay’adda bisha cas ee ICRC iyo hay’adda FOA ee beeraha u qaabilsan qaramada midoobay  si ay gacan kaga geesteen taageerada loo fidinayo dadka soomaaliyeed ee abaaraha la’iil daran si loo badbaadiyo loona caawiyo nolosha dadka iyo ka hortagista abaaraha  ku sii bahaaya dalka.

Madaxweyne ku xigeenka bankiga aduunka ee qaarada Africa Makhtar Diop ayaa sheegay in taageerada bankiga aduunka ay kamid tahay Cunno, Biyo, iyo lacago lagu wareejinayo dadka abaartu saameysay ee ku sugan Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here