Al-shabaab oo Laga Soo Badbaadiyay Xoolo ay Dhaceen

0

Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ku guuleystay in Al-shabaab ay kasoo furtaan xoolo ay ka dhaceen dad ku dhaqan Gobolka Galgaduud.

Jeneraal Axmed Maxamed Tareedishe Taliyaha Guutada 52aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta Dowladda  ayaa sheegay in howlgal lagu soo badbaadiyay in ka badan 100 neef oo Ari ah, waxaana uu xusay in dadka deegaanka ay kolkii hore Shabaabka ka dileen labo ka tirsan Al-Shabaab.

Taliyaha Guutada 52aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in howlgalka lagu soo furtay Xoolaha uu ka dhacay deegaanka boodka oo ay ku sugan yihiin xoolo dhaqato badan.

Dhanka kale Taliyaha Guutada 52aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Xarakada Al-shabaab ay dileen hal qof oo ka mid ahaa dadka reer miyiga ah oo ay ka dhaceen xoolaha.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here