Wada-hadal u Dhaxeeya Al-shabaab iyo Dowladda Soomaliya oo Furmaya

0

Dowladda Qadar ayaa sheegtay in Wada-hadalo u dhaxeeya Xarakada Al-shabaab iyo Dowladda  Federaalka Soomaaliya ay furmayaan dhamaadka Bishan.

Wasiirka arrimaha dibadda Qadar Maxamed Bin C/raxmaan Al-Thani oo warbaahinta kula hadlay gudaha dalkaas ayaa sheegay in dowladda Qadar ay aqbashay codsi dowladda Federaalka Soomaaliya u soo jeedisay oo ah in ay la hadalsiiso Xarakada Al-shabaab, oo ka biya diidan siyaasadda dowladda uu Hogaamiye Madaxweyne Farmaajo.

C/raxmaan Al-Thani Wasiirka arrimaha dibadda Dowlada Qadar ayaa tilmaamay in Qatar ay rajeenayso in guulo laga gaaro wada-hadalka u bilaaban doono dhamaadka bishaan Xarakada Al-shabaab iyo Dowladda  federaalka Soomaaliya, islamarkaana dhinacyo ka socda labada qeybood ay wada-hadalka matali doonaa.

“Dowladda Qatar waxay aqbashay codsi ugu yimid dowladda Soomaliya uu hogaamiye Madaxweyne Farmaajo, wada-hadalka waxa uu bilaaban doonaa dhamaadka bishaan, runtii Qatar waxa ay doonaysaa in laga gudbo colaadaha Soomaliya ka jira,islamarkaana la hadalsiiyo walaalaha soomaliyeed ee dagaalsan”, ayuu yiri C/raxmaan Al-Thani.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here