War kasoo baxay Dowladda Turkiga ayaa lagu sheegay in saldhig military oo ay ka dhiseen Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaliya ay furi doonaan bisha 8-aad ee sanadkan 2017-ka, waxaana la sheegay inay furitaanka ka qaybgeli doonaan madax ka socota Dowladaha Turkey iyo Soomaaliya.
Waxaa la sheegay in Dowladda Turky-ga ay Saldhigaan geyn doonto Ciidamo gaaraya 300 oo askari, waxay isugu jiraan 100 tababare iyo 200 oo ilaalo ah, kuwaasi oo ka qeyb qaadanaya tababaro siinta Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya.
Dhanka kale Dowladda Turkiga Saldhiga ay ka furanaysa Soomaaliya ayaa la sheegay in uu noqon doono xarun Turkigu hubkiisa uga iibiyo wadamada qaarada Afrika, sida lagu daabacay wakaalada wararka TRT ee kasoo baxda dalka Turkey-ga.
Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili Dowladda Imaaraadka ay Saldhig Malatari ay ka dhisanayo Magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil, labada dal ee Turkiga iyo Imaaraatka waxaa ka dhexeeya loolan ku aadan Gobolka bariga Afrika.

