Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb Jamaal Hassan oo warbaahinta kula Hadlay magaalada Muqdisho kadib markii ay wada kulmeen Madax ka Tirsan Dowladda Soomaliya iyo Midowga yurub ayaa sheegay in wixii xiligaan ka dambeeya Dowladda Soomaliya ay maamuli doonto mashaariicdii Europe ay bixin jirtay ee ay siinjirtay Soomaaliya
“Waxaa nagu soo booqday oo Magaalada Muqdisho agaasimaha guud ee midowga Europe u qaabilsan gargaarka Stefano Manservisi, waxaa uu u yimi inuu dowladda la shiro madaxda dowladdana waa is arkeen ka bacdi waxaan kala saxiixanay heshiis, kaasi oo ah gargaar ay ugu deeqeen Soomaaliya oo aanu ka aqbalnay, oo saddex kala qeybood kala ah Maamul wanaaga, dowladdu inay gaarto shacabka iyo kor loo qaado tayada wasaaradaha dowladda qayb ka mid ah marka runtii arrimahaasi ayaan ka wada hadalnay ,waana u mahadnaqeyna European-ka taageerada ay noo muujiyeen”, ayuu yiri Amb Jamcaal Hassan.
“Saa la socotaana mashaariicdii Europe ay bixin jirtay ee ay siinjirtay Soomaaliya ee markii hore ay iyaga saxiixi jireen oo maamuli jireen hada Soomaaliya lasoo wareegtay , wasaaradda qorsheynta ayaa gacanta ku heynaysa masuul ka ah mashaariicda Soomaaliya ee Europeanka bixiyaan oo dhan oo saxiixeeda iska leh hada waxii ka danbeeya”,
Arintaan ayaa meesha ka saaraysa in Maamul Goboleedyadda aysan heshiis iskood ah la gaari karin Ururka Midowga yurub oo bixiya deeqaha iyo Gargaarka Soomaliya.

