Koonfur Korea:-“Markab Koonfur Korea oo Lagu Afduubtay Xeebaha Soomaliya  Ma jiro”,

0

War kasoo baxay Dowladda Koonfur kuuriya ayaa waxaa lagu beenisay in uu jiro Markab laga afduubtay. Wasaarada arrimaha dibedda ayaa sheegtay in doonta markii hore la waayay xiriirkeedaa hada la helay.

Dowladda koonfur kuuriya sheegtay in ay shaqaalaha iyo dhamaan dadka saaran oo ah 21 qof oo u dhashay dalkeeda in ay bad qabaan, xiriirkoodana dib loo helay.

baadigoobka iyo sidii markabka uu dib ugu soo laaban lahaa hagidoodana, ay iska kaashanayaan maraakiibta dagaalka sida kuwa Mareykanka , Japan, Germany iyo India, kuwaasi oo maalmo baadi-goobayay.

Warbaahinta gudaha ee Dowladda Koonfur Kuuriya ayaa dhawaan  tabisay  in doon la afduuubtay, ayaa hada wareysanaya oo tebinaya eheladii dadkaasi oo ku faraxsan in dadkoodii dib loo helay.

Burcad baddeeda Soomaaliyeed oo looga shakiyey inay afduubteen Markaan, waxay hore todobaadkan u afduubteen doon laga leeyahay dalka Iran.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here