Shirkad Qaabilsan Sahanka iyo Baaritaanka Shidaalka oo DF Ka Doonaysa Shati

0

Wasiirka Macdanta iyo Batroolka ee Dowlada Federal ka ah ee Somaliya, Xildhibaan Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed oo safar shaqo dalka dibadiisa kaga maqan ayaa kulan la qaatay shirkadda “Spectrum Geo” oo qaabilsan  sahanka iyo baaritaanka shidaalka qaar kamid ah wadamada Caalamka.

Shirikadaan ayaa doonaysa in ay shati ka hesho dowlada Federaalka Somalia si ay sahan iyo baaritaan shidaal ugu samayso xeebaha fogfog ee badda Somalia (offshore oil and gas license ), madaama aysan laheyn hay’ado xoog leh oo baari kara shidaalka Soomaliya.

Kulanka dhexmaray Wasiirka Macdanta iyo Batroolka ee Dowlada federal ka ah ee Somalia,Xildhibaan Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed iyo Madaxda shirkadda “Spectrum Geo” oo qaabilsan  sahanka iyo baaritaanka shidaalka ayaa la sheegay in uu kusoo dhamaaday is afgarad islamarkaana shirkadaan ay heli doonto Shati,ayna baari doonto Shidaalka Soomaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here