Quburo Ka Socda Hay’adda Duulista Hawada Talyaaniga oo Muqdisho Soo Gaaraya+Sawirro

0

Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya mudane Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle)iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo u joogo dalka Talyaaniga ayaa kullamo la qaatay madaxda Hay’adda Duulista iyo saadaasha Hawada wadanka Talyaaniga.

Booqashada Maareeyaha iyo wafdigiisu waxay ku saabsaneed casuumad ay ka heleen ENAV oo ah hay’adda duullista iyo saadaasha hawada Talyaaniga, Wuxuu maareeyuhu kala hadlay tayaynta qalabka & shaqaalaha hawada Soomaaliya

ENAV Waxay ballan qaadeen in ay quburo noo soo diraan iyo tababaro shaqaalaha hawada Soomaaliya loogu qaado Talyaaniga,sida uu sheegay Maareeyaha Hay’adda Duullista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliyeed Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle).

  

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here