Akhriso:-Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Haweenka oo Xilka Laga Qaaday

0

C/qani Sheekh Cumar  oo ahaa Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda federaalka Soomaliya ayaa waxaa lagu sameeyay xil ka qaadis, kaddib digreeto ka soo baxday Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed(Farmaajo).

Wasiirada Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Deeqa Yaasiin ayaa Shalay u sheegtay shaqaalaha Wasaaradda in xilka laga qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Mr C/qani Sheekh, lana magacaabay Agaasime cusub, dhawaan uu xilka la wareegi doono.

Wasiirada Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Deeqa Yaasiin ayaa ugu baaqday Shaqaalaha Wasaaradda in ay la shaqeeyaan agaasimaha Cusub oo lasoo magacaabay.

Dhanka kale Agaasimaha cusub ee loo magacaabay Wasaaaradda Haweenka ayaa lagu magacaabaa Deeq Saleebaan Yuusuf oo ahaa Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Maamulka Puntland.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xil ka qaadista Agaasimihii hore ay la xiriirto dhanka awood qeybsiga, maadaama ay isku heyb yihiin Madaxweynaha Soomaaliya, waana tan dad badan ay u sababeynayaan inuu xilkiisa waayo.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here