MadaxweynahaMaamul goboleedka Hir-shabeelle Mudane Cali Cabdulaahi Cosoble yaa sheegay in Shacabka Soomaliyeed aysan dooranin Nidaamka Federaalka, islamarkaama afti aan loo qaadin.
“Nidaamka Federaalka anagu ma dooran, afti looma qaadin, hadana qorshahan mid aanu anagu ka baaraan degnay ma aheyn,waxaa noogu soo xigtey labo gobol iyo wixii ka badan ayaa noqon kara Federaal, xagee arrintaasi ummada Soomaaliyeed lagu weydiiyey? ma jirto, yaa lagala tashtay? ma jirto, Nidaamkaa isaga ah nidaam cadaalad ku dhisan miyaa? ma’aha runtii, Xaqiiqdu waxay tahay labo gobol iyo wixii ka badan intaan la dhihin, ummad waxay wax usameysata siday isku raaci karto, qaab aysan isu raaci karin mahan in la dhaho nidaamka federaalka qaabkaasi buu ahaanaaya idinkuna ma buuxin kartaan shuruudaasi ee idinka sidaasi baa la idiin maamulaya.
Dhanka kale Madaxweynaha Goboleedka hir-shabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay dadka isku mataanaynayo Gobolka Banaadir iyo caasimada magaalada Muqdisho.
“Labo shaqo isku leh mahan, caasimada dowladda degan, qof walbo oo Soomaali ahna xaq buu u leeyahay inu ku noolaado,Gobolka Banaadir baa soo haray, Gobolka banaadir waa deegaan dad baana iska leh, fac ka fac ayuu jiray, runta hadii aan usoo laabano Soomaaliya dib u heshiisiinteedii waxaa ka dhiman dowladd goboleedka Banaadir”, ayuu yiri Madaxweyne Osoble.

