Cabsi Ka Jirta Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose+Dhaeyso

0

Maamulka magaalada Marka ee Dowladd Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa sheegay in cabsi badn ay ka jirto magaaladaas, xili dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa Al-shabaab ay ka socdeen deegaano hoos yimaada.

Gudoomiye ku-xigeenka Magaalada Marka C/kariin Xuseen Xasan oo la hadlay Idaacadda Simba ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay  cabsi weyn ay dareemayaan shacabka Magaaladaas, madaama ay sii kordhayaan dagaalada u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaliya, dad xoolo dhaqato ah iyo Xarakada Al-shabaab kuwaasi oo dhowrkii maalin aynu soo dhaafnay socday.

“Cabsi weyn ayaa ka jirta Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose,dadka ayaa ka baqanaya in waxyeelo ay kasoo gaarto dagaalada maalmihii dambe ka socday deegaano iyo tuulooyin hoos yimaada magaalada marka, kuwaasi oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Soomaliya, dad xoolo dhaqato ah iyo Xarakada Al-shabaab,dowladda Soomaliya arintaas wax haka qabato”, ayuu yiri Gudoomiye ku-xigeenka Magaalada Marka.

Dhowrkii maalin aynu soo dhaafnay dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaliya, dad xoolo dhaqato ah iyo Xarakada Al-shabaab ayaa  ka socday deegaano hoos yimaada Gobolka Shabeeaha Hoose, shabaab ayaa lagu eedeeyay in ay dhac u geysteen dad xoolo dhaqato , sidaasna uu dagaalka ku bilowday.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here