Qaar ka mid ah Dhalinyarada laga soo masaafuriyay dalka Mareykanka islamarkaana soo gaaray magaalada muqdisho ee Caasimadda Soomaliya ayaa dhalinyarada kale uga digay in ay si sharci daro ah ugu safraan dalka Maraykanka.
Mid kamid ah Dhalinyaradda Soomaliyeed ee mudada faraha badan ku noolaa dalka Mareykanka, islamarkaana shalay dib loogu soo celiyay magaalada muqdisho ayaa sheegay in rafaad badan oo kala soo kulmay in dib loogu soo celiyo Magaalada muqdisho, oo sanado ka hor uu Tahriib kaga baxay.
Waxa uu sheegay in xabsi uu muddo sanado ah uu ku jirey islamarkaana, laga soo qabtay mid ah Magaalooyinka dalka Mareykanka, wuxuuna sheegay in haatan uu ku qanacsan yahay joogitaanka Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya, uusan ka Tahriibi doonin hada kadib.

