Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali(Gaas) oo dhowrkii maalin aynu soo dhaafnay socdaal ku joogay qaar kamid ah wadamada reer yurub ayaa soo gaba-gabeeyay socdaalkiisa, wuxuuna ku wajahan Yahay magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulkaas.
Madaxweyne Gaas oo saxaafadda kula hadlay Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya ayaa sheegay inuu guul ugu soo dhamaaday socdaalkiisii uu ku marayay waqooyiga Yurub,islamarkaana uu ku wajahan yahay Magaalada Garoowe.
Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali(Gaas) wuxuu hambalyada dhalashada bisha Ramadaan u diray shacabka Soomaliyeed, gaar ahaan reer Puntland, wuxuuna u rajeeyay nabad iyo barwaaqo.
Dhanka kale Madaxweynaha maamulka puntland ayaa ka hadlay dagaalka Al-shabaab iyo ururka Daacish, wuxuuna sheegay inay Puntland gacanta ku dhigtay Daacish badan oo ay ugu dambeeyeen kuwii habeen hore lagu qabtay magaaalda Qardho iyagoo la socday gaari xamuul ah.

