Wasiirka Gaadiidka, Dhulka iyo Cirka JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad iyo Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya mudane Yuusuf Cabdi Cabdulle ( Yuusuf Jaalle) ayaa maanta qalab muhiim u ah duulimaadka Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde la wareegay.
Qalabkaan ayaa ah Leerka cadceedda ku shaqeeya ee ifinaya waddada diyaaraduhu ku ordaan si habeenkii ay diyaaradaha uga soo dagaan garoonka.
Waxaana ay Wasiirka iyo Maareeyuhuba tilmaameen in qalabkaan muhiim u yahay maadaama garoonka uu maalintii ciriiri yahay oo ay diyaarado badan kasoo dagaan, farxadna ay tahay in muddo dheer ka dib ay Soomaaliya habeenkii kasoo dagaan diyaarado.





