War Deg Deg:-Gudoomiyayaasha Degmooyinka G/Banaadir oo Xilalka Laga Qaadayo

0

Sida idaacadda Simba ay u xaqiijiyeen qaar kamid ah Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir,Gudoomiyaha Gobolka  Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa saacadaha soo socda xil ka qaadis ku sameyn doona qaar kamid ah Gudoomiyayayaasha degmooyinka.

Gudoomiyaha  Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa la sheegay in dhowr gudoomiye uu xilka ka qaadi doono,kuwa kalana uu magacaabi doono, islamarkaana ay tahay talaabada ugu horeysa ee xilalka loogu xayuubinayo Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, oo cabsida ugu badan qaba xiligaan madaama isbadal lagu sameeyay Hogaanka Gobolka.

Cid ma sadaalin karto Gudoomiyayaasha xilalka laga qaadayo kuwa ay noqon doonaan  iyadoo Gobolka Banaadir uu ka kooban yahay 17-degmo,waxayna xogaha xil ka qaadista la hadal hayay tan iyo markii uu xilka la wareegay Godoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Taabid Cabdi Maxamed.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here