C.rashiidn Xidig:-Qaran Dumis Ma Nihin ee Dowladda ayaan Toosinaynaa”,+Dhageyso

0

C/rashiid Maxmed Xidig  oo la shaaciyay in uu yahay Gudoomiyaha Madal ay ku mideysan yihiin Xildhibaanada Golaha shacabka iyo aqalka Sare oo kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa faah-faahin ka bixiyay ujeedka loo aas-saaya madasha.

Xildhibaanada C/rashiid Maxmed Xidig    oo u waramay Idaacada Simba ayaa sheegay in madasha ay ku mideysan yihiin Xildhibaanada Golaha shacabka iyo aqalka Sare in aysan aheyn dad qaar sida ay u fasirteen balse ujeedka loo aas-aasay uu yahay in la xisaabtan lala sameeyo Dowladda uu Hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaan Xidig ayaa meesha ka Saaray Sababtay ay madashaan  la macag baxday Horusocod ay tahay ItijaaI Siyaasadeed oo lagu Majxaabinayo Dowladda uu Hogaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo waxana Sheegay Sababta kudladaan loogu dhawaaqay ay tahay Sidii ay u Toosin la haayeen Dowladda oo Xusay inay ku Socoto Jaah-wareer Siyaasadeed oo dalka qatar u horseedi kara.

Dhanka kale Ilo Siyaasadeed oo ay soo Xigatay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Muujinaya Suurto galnimada in Siyaasin Kenyaati ah ay Xildhibaanada ku dhiirigaliyeen in la bilaabo Kacdoon siyaasadeed oo wax ka badala Hanaan ay qorshaysay in Dalka ay ku maamusho Dowlada Soomaaliya ee uu Hoogamiyo Madaxweyne Farmaajo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here