Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo xalay ka hadlayay waxqabadkiisa 100-kii maalin aynu soo dhaafnay tan iyo markii uu xilka la wareegay ayaa sheegay in dowladiisa ay wax badan ku guuleystay in la hirgaliyo.
Madaxweynaha oo hadal ka jeediyay munaasabad lagu xusayay 15-ka maalinta dhalinyaradda Soomaliyeed oo ka dhacday Xarunta Dowladda Hoose ayaa sheegay in wax badan lagu guuleystay wax kalana ay harsan yihiin.
Madaxweynaha ayaa sheegay in mudadii uu xilka hayay uu ku guuleystay in wax laga qabto qodobada kala ah.
1-Mushaarkii la siin jirey Ciidamaada Dowlada Soomaliya iyo shaqaalaha Dowladda Soomaliya, 2-in lasoo celiyay karaamadii iyo sharafkii meel walbo la ina leeyahay waa idinla qaadanay, 3– in la keenay wasiiro shaqada ku carbisan aqoonteedana leh, 4– iyo in la bilaabay bilownay wadashaqeyn, Hay’adaha ah sida World Bank iyo IMF oo hada aan kawada hadlayno in deymaha nalaga cafiyo.

