Somali-land oo Faah-faahin Ka Bixisay Askari Isku Dhex-dilay Xabsi

0

Qoraal kasoo baxay Taliska Ciidamada Militariga Maamulka  Somaliland ayaa faah-faahin ka bixiyay  Askari isku dhexdilay xabsi ku yaal Magaalada Hargeysa kaasi oo meydkiisa  laga helay xabsi uu ku jiray oo ku yaal xerada Birjeex ee magaladda Hargeysa.

Marxuumka oo muddo laba todobaad cibaaq amardiido u xirnaa,ayaa meydkiisa isagoo is-dal-dalay lagu arkay xabsiguu ku jiray, waxaana socota baadhitaanka sababaha keenay dhimashadiisa.

Taliska ciidamada Qaranka waxaa uu tacsi u diray qoyskiisa, caruurtiisa iyo dhamaan Ciidanka Qaranka Somaliland geerida ku timid marxuumka ka baxay, islamarkaana caddaynayaa inay baariitaanka kadib faah-faahin buuxda ka bixin doonaan geerida Askarigaa.

Mana jiraan wararka sheegaya inuu sababo sicir-barar dartood isku deldelay Waxaa looga digayaa dhamaan warbaahinta, inay ka fogaadaan inay faah-faahino mala-awaal ah ka bixiyaan sababaha keenay geeridiisa, inta faahfaahin buuxda ka bixinayaan Ciidanka Qaranka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here