Munaasabad ballaaran oo lagu weyneynayay maalinta dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed iyo xuska ururkii gobonnimo doonkii Soomaliyeed ee SYL, taas oo ay ka qeyb-galaan madaxweynaha Jaamhuuriyadda Soomaliya iyo madax kale, ayaa xalay ka dhacday aqalka dowladda ee Hoose ee Xamar.
Munaasadda xuska 74-guuradii ka soo wareegatay markii la aas-aasay ururkii dhallinyarada ee SYL sannadkii 1943, oo ahaa dhallinyaradii Soomaaliyeed ee bilowdey halgalkii gobonnimo doonka Soomaaliyeed oo markii dambe dalka looga xoreeyey heeryadii gumeysteyaashii dalka ku sugnaa, ayaa la weyneynayaa, waxaana joogta masuuliyiin uu ugu sareeyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, wasiirka dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya iyo madax kale.
Munaasabadda waxaa kaalimo sugaaneed oo ka hadlaya muhiimadda xuska 15-ka May oo ah maalin Qaran kusoo bandhigay Hobolada Danan ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya.







